Sunday, August 26, 2012

RAJADA MADAXWEYNE EE SHARIF XASSAN SHEIKH ADAN OO AAD U LIIDATA IYADOO SAXIIBKI JURILE KA BAXAY BALANTII AY LAHAAYEEN




Musharax Prof C/risaaq Cismaan Juriile oo ka mid ah lix musharax oo horey u sheegtay inay u tartamayaan xilka afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa.  Jurile oo ahaa qof ay Sharif Xassan Sheekh Adan ay saaxiib yihiin oo hanti farabadan ay shirko ku yihiin ayaa ahaa qof uu Sharif Xasan meesha kaga saaro rajada Beesha Daarood ee Madaxtinimada Dalka.  Jurile ayaa tolkii kaga saftey saaxiibkii oo hadeer u muuqato in ay rajadiisa madaxweyne nimo ay hoos aad uga sii dhexeyso.  Sharif Xasan ayaa ku guul dareystey in uu ka dhaadhiciyo Prof Jawari in uu san u loolamin jagada Madaxweyne, taa aad buu ugu guul dareystey.  Hadaba, dad badan oo Digil iyo Mirifle ayaa aad u taageersan Jawari iyagoo naceyb weyn u qaba Sharif Xasan oo aad uga hor yimid aqoonyahanada Digil iyo Mirifle.  Sharif Xasan oo aan waxba mar u qaban, kana gatey jagooyinkii 4.5 lagu heley dadka siiba aqoonyahanada DM.

Prof Jawaari oo aad uga farxay in uu ku guuleystey in uu meesha ka saaro musharaxii Sharif Xasan soo dirsadey Jurile, ayaa hadal ka jeediyey kulankii baarlamaanka oo weli ka socda xarunta Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ku farxay go'aankii Jurile.  Waxaan ka codsanaa Jurile in uu aniga i taageero maadaama aan aniga ahay raga aadka igu haboon kursiga.

Dhanka kale Prof Jurile ayaa sheegay, “Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo in aan ka baxayo tartanka musharaxnimada afhayeenka baarlamaanka, waana tanaasulay anigoo og inay jiraan rag kale oo xilkaasi ku haboon iyaga ayaana ku taageerayaa” ayuu yiri Xildhibaan Juriile oo si weyn loogu sacabtumay.

Hadda waxaa iska soo horay shan mudane oo u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka kuwaasoo kala ah;

1- C/laahi Goodax Barre

2- C/rashiid Xiddig,

3- Cabdi Xaashi C/laahi,

4- Cali Khaliif Galeyr

5- Prof Maxamed Cismaan Jawaarey,

Dhanka kale waxaa weli sii socda khudbadihii ay jeedinayeen musharixiinta u taagan qabashada jagooyinka afhayeenka, afhayeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana khudbadaha dhageysanaya xildhibaanada cusub, guddiga doorashada, korjoogto ka socota beesha caalamka iyo suxufiyiin.

BaidoaNews, Mogadishu