Sunday, May 5, 2013

SHIR DIB LAGU SOO NOOLEYNAYAY URURKII RRA OO LAGU QABTAY DEEGAAN KU YAALLA DULEEDKA DEGMADA BAYDHABO EE GOBOLKA BAY 



Shir dib lagu soo nooleynayay Ururkii RRA oo lagu qabtay deegaan ku yaalla duleedka Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay 




Shir ay yeesheen saraakiishii hore ee RRA oo dib loogu soo nooleynayay jabhaddan ayaa muddo toddobaad ah ka socday duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo shirakas looga hadlay arrimo fara badan.

Deegaanka shirka lagu qabtay oo lagu magacaabo Dhanqooq oo 15-km u jira Baydhabo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin: dhibaatooyinka haysta bulshada ku abrtisata Digil iyo Mirifle, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo halka ay dowladda Somalia ka taagan tahay shirka ka socda Kismaayo iyo kuwo kale.

Todabaad uu shirkan socday kaddib ayaa waxaa sidoo kale ooga hadlay maamul xumada iyo musuqmaasuqa hareerayay dowladda Soomaaliya oo ay si gaar ah ugula kacday beelaha Digil iyo Mirifle, iyagoo codsaday inay wax ka bedesho dowladda habka ay awoodaha xukuumadad ku qaybisay.

Shirka ayaa lagu magacaabay maamul KMG ah oo ay yeelato RRA iyadoo loo doortay guddoomiyaha jabahadda Cabdi Axmed Aadan (Tegta) iyadoo sidoo kale isla goobtaas lagu magacaabey guddoomiye ku xigeenka RRA oo loo magacaabay Maxamed Axmed oo loo yaqaan (Dhiirrane) iyo taliyaha RRA ee dhinaca ciidamada oo iyadana loo magacaabay Maxamed Guud Mad Gaashaan.

Mas’uuliyiinta la magacaabay kuwii shirka goobjoogga ka ahaa waxay ugu dambeyn ku taliyeen in lasoo celiyo halgankii RRA, sida uu warfideennada u sheegay guddoomiyaha KMG ah ee RRA Cabdi Tegta.

sources from
Hiiraan Online, Baydhabo

No comments:

Post a Comment