Monday, May 13, 2013

Dacwad ka Dhan ah Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Saacid













Dacwad ka Dhan ah Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Saacid

May 13, 2013

Annagoo ah muwaadiniin Soomaaliyeed gaar ahaan Beelweynta Digil Mirifle oo isugu jira dad waxgarad ah oo ka kooban bulshada qeybaheeda kala duwan, sida dumar, rag, saraakiil, macalimiin, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo waayeelba, waxaan si buuxda u caddeyneynaa in aan ka soo horjeedno xilalka aad ku soo koobeysid qabiilkaagii keligiis iyo qaska aad ku wada heshiiskii awood qeybsiga ee shanta beelood ee Soomaaliyeed.  Jalle madaxweyne, ma Soomaali baad madaweyne u tahay mise beel gaar? Maxaa sababey in shaqaalaha kugu hareereysan ee madaxtooyada ay u yihiin dad adiga ku xigo? Maxaad xaqii Digil Mirifle ugu soo koobtey wasiiro iyo ku xigeeno oo ciidanka xooga dalka hal janan ay ku leheen.  Saafaaradaha muhiimka ah waxaad siisey reerkaa iyo saaxiibadaa. Maxaad u rabta in aad gaartid dano gaar ah oo lid ku ah xilkaagii laguu dhaariyey.

Hoos Ka Akhriso inta Xil Aysan Beelweynta Digil iyo Mirifle Waxba Ku Laheyn.

1-Taliyaha Ciidamda Xooga Soomaaliyeed.
2-Taliyaha ciidanka Asluubta soomaaliyeed.
3-Taliyaha Ciidamda Sirdoonka.
4-Taliyaha Ciidanka Badda.
5-Taliyaha Laanta Socdaalka.
6-Gudoomiyaha Maxkamada Sare.
7-Gudoomiyaasha Maxkamadaha Ciidanka.
8-Gudoomiyaha Maxkamada Shacabka.
9-Gudoonka Sare ee Bankiga Dhexe Soomalaiya.
10-Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka.
11-Maamulka Sare, Dhexe, Iyo Xamaaliba Dekeda Muqdisho.
13-Maamulka Gobolka Banaadir Caasimada Soomaaliya.
14- Qunsulooyinka Inta Safaaradood Ee Caalamka aanu ku leenahay,
14- xoghayaasha iyo diplamaasiyiinta kale ee ka howlgala safaaradahaasi.
15-Hogaanka Maamulka Madaxtooyada.
16- Wakiilada UN-ka Janeva.
17 Wakiilka UN Ee NY.
18- Midowga Afrika.
19- Midowga Jaamacada Arabta.
20- Bankiga Islaamka.
21- Wakiilada Wadamo badan oo Afrika ah oo laga dhigey M.Ali Americo.
22- Agaasimiyaasha iyo Agaasime waaxyada hay’adaha Dowladda.

Fadlan halkan ku dar magacaaga, una sii gudbi walaalaha kale ee nabadda jecel:

No comments:

Post a Comment