Friday, May 10, 2013

XILDHIBAANO DIGIL MIRIFLE U BADAN MOOSHIN AY KA KEENEN XUKUUMADA RA’IISAL WASAARE SAACID

Xukuumada Dowlada Federaalka Soomaaliya Ra’iisal wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon oo ka War helay mooshin ka dhanka ah xukuumadiisa ayaa wuxuu u tagay Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Daarood Ismaa

ciil si uu taageero uga helo in la joojiyo Mooshin ay ka keeneen in ka badan 100 Xildhibaan.

Xildhibaanadii uu la kulmay R/wasaare Shirdoon ayaa waxay ugu jawaabeen sida Tan Meesha shaqo kuma haysid shaqadaadii waxa haya Madaxweynaha Xasan Sheeq Xildhibaanadaan ayaa si cad ugu sheegay Saacid, in ay taageeri doonaan mooshinkan. 

Hadii la hor keeno Baarlamaanka,Mooshinka ayaa sida la sheegay waxa taageersan intooda Badan Xildhibaanada Digil iyo Mirifle iyo Kablalax Daarood.

Beelweynta Digil iyo Mirifle ayaa xilalkii Dawlada ay ku lahaayeen inta si Cadaalad daro ah looga qaaday la siiyay Beelaha Hawiye iyo Daarood iyo Dir.

Hoos Ka Akhriso inta Xil Aysan Beelweynta Digil iyo Mirifle Waxba Ku Laheyn

1-Taliyaha Ciidamda Xooga Soomaaliyeed
2-Taliyaha ciidanka Asluubta soomaaliyeed
3-Taliyaha Ciidamda Sirdoonka
4-Taliyaha Ciidanka Badda
5-Taliyaha Laanta Socdaalka
6-Gudoomiyaha Maxkamada Sare
7-Gudoomiyaasha Maxkamadaha Ciidanka
8-Gudoomiyaha Maxkamada Shacabka
9-Gudoonka Sare ee Bankiga Dhexe Soomalaiya
10-Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka
11-Maamulka Sare, Dhexe, Iyo Xamaaliba Dekeda Muqdisho
13-Maamulka Gobolka Banaadir Caasimada Soomaaliya
14- Qunsulooyinka Inta Safaaradood Ee Caalamka aanu ku leenahay,
14- xoghayaasha iyo diplamaasiyiinta kale ee ka howlgala safaaradahaasi
15-Hogaanka Maamulka Madaxtooyada
16- Wakiilada UN-ka Janeva
17 Wakiilka UN Ee NY
18- Midowga Afrika
19- Midowga Jaamacada Arabta
20- Bankiga Islaamka
21- Wakiilada Wadamo badan oo Afrika ah oo laga dhigey M.Ali Americo.
22- Agaasimiyaasha iyo Agaasime waaxyada hay’adaha Dowladda

No comments:

Post a Comment