Monday, August 19, 2013

CEYB IYO EEDEYN CAD EE LAGA HELEY WASIIRKA DIFAACA CABDIXAKIN FAQI (WAR CULUS).

ABDIHAKIN FAQI: War criminal and man without conscience.

Yaa shaki ugu jira in Dowlada Xassan Shiikh uu hogaanka u yahay in ay xiriir iyo siyaasad ay la wadaagaan Al-shabaab sida uu Cali Khalif Galayr yiri.  Riboorkii ugu danbeeyey ee ay soo saarto, Ururka Baarista Qaramada Midoobey ayaa ku cad in ay dowlada gaar ahaan Wasiirka Difaaca Damiir Laawe Cabdixakin Faqi uu aasaasey uu na gacantii ku ansixiyay in ay qolo tiro yar oo gaaraayo 840 burcad iyo mooryaan iskugu jiro ka taliyaan ayna gumaad ka sii wadaan Gobolada Koonfur gaar ahaan Afgoye iyo Merka.




Riboorka ayaa ku cad in burcadaan oo kuligood ka kooban  Hawiye / Habar Gedir / Cayr ay dowlada sharciyeysay.  Ragaan ayaa ka mid ah kuwii uu hogaanka u ahaa Indha Cade.  Hadeer ayaa hogaan u ah ama taliye General Been Ku sheeg Maxamed Jimcale ‘Gobale’ oo isaga laftii ah Hawiye / Habar Gedir / Cayr iyagoo ka amar qaata, mushaarna ka qaata Wasiirka Difaaca Cabdikarin Faqi.

Sida uu riboorka sheegaayo, ragaan mooryaanta ah ee lagu sheegaayo ciidama xooga Soomaaliyeed ayaa aad ugu badan rag ka mid ah Al-shabaab iyo kuwa ka amar qaata Al-shabaab iyagoo weli taageero ka helaayo iyo mushaar Cabdixakin Faqi iyo Dawlada Xassan Shiikh.



Mooryaantaan argagixisada lugaha kula jiro ayaa la magac baxay 3rd Brigade, magacaan ayaa afkiis iyo gacantiis ku bixiyay Cabdixakin Faqi una soo bandhigay dunida markii uu dib u habeen ku sameeyay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.  Waxaa riboortiga ku cad oo uu Cabdixakin ogyahay in ciidankaan lagu sheegay 3rd Brigade ee Shabaabta ah in ay ku lug leeyiihiin dilal, isbaaro sharci daro ah oo lagu gumaado dadka, kufsi, boob dhuleed.  Waxaa rasiib daro ay in uu Cabdixakin Faqi uu barlamanka hortiis ku difaacey ragaan, kuna sheegey ciidan qaran iyo Isbaarooyinka lagu gumaada maskiinta ku yiri waa mid ciidanka u taal ee waxaa lagu sugaa amaanka.  Al-shabaab rag la jiro goormey amaanka sugayaan? Hadaba waa su’aal, gumaadka masaakiinta ula jifo ah ee Soomaaliyeed maxuu kaga doortey tuuga?  Waa maxay faa’iidada ugu jirto in uu mooryaantii Indha Cadde, Xassan Daahir Aweys ee Al-shabaabta ah ee weli diidan in ay umada kaga hor qirtaan in ay ka soo laabteen taageerida Al-shabaab in uu ciidameeyo, tuute siyo, uu qalabeeyo iyo in uu mishaar ugu sii daro gumaadkood.

Cadeen


2.       Based on AMISOM and TFG estimates dated 21 July 2011, and interviews with confidential sources with access to the 3rd Brigade high command.

3.       Figures and chain of command provided by confidential source with records of 3rd Brigade registrations. The other five brigades are composed of a mixture of other Hawiye clans, notably the Abgaal, Hawadle, and Murosade. Some Darod / Marehan elements and other minority clans also make up some of the brigades.

4.       According to confidential military intelligence reporting on 29 October 2012.

5.       Information provided by Ayr element of 3rd Brigade, Mogadishu, 16 October 2012, and by Somali military source, 1 March 2013.

6.       Information provided by Somali military source, 1 March 2013, and corroborated by an associate of Gordon.

No comments:

Post a Comment